Ticker

6/recent/ticker-posts

Ad Code

Responsive Advertisement

FAHANKA MASKAXDA IYO FIKIRKA




MASKAXDA:


Maskaxda aadanuhu waa mid ka mid ah waxyaabaha ugu qaalisan ee Alle (swt) inagu galladay iyo nimcooyinka aynu haysanno. Mudanna mar walba in Alle loogu mahad naqo. Waa midda sameysay ee hal-buurta wax kasta oo uu ina-aadane adduunka korkiisa ku macmalo sida: kombuyuutar , duyuurad iyo aaladaha lagu wada xidhiidho intaba. la'aanteed adduun iyo aakhiro midna qofka waxba looguma raaco. Wax yar haddaynu ka iftiimino aqoonta casrigii waxyaabaha ay ka ogaatay maanta baaxadda ay leedahay. Maskaxdu waxay ka koobantahay tirilyan (Trilion) unug dareen, taasoo u dhaganta tirada xidigaha qaarkood. Waxay keydisaa 65000 oo xog ama macluumo daqiiqaddii kastaba. Sidoo kale xagga xawaaraha, waxay isticmaashaa 2 milyan oo xog daqiiqaddii.


Inkastoo Maskaxaha muggooda iyo xajmigoodu isku wada mid yahay. Haddana waxa ay ku kala duwanyihiin xagga wax soo saarka iyo garashada. Taasina waxa ay ku xidhantahay sida qof waliba uu u adeegsado…Bini’aadanku inta uu ka isticmaalo masaxdiisu maanta ayay ugu yartahay marka loo eego waqtiyadii hore, sababo badan oo jira awgood. Cimi baadhisbaa sheegta, in wax ka yar 1% (Boqolkiiba hal) dadku ka isticmaalo maskaxdiisa. Taasina waxa ay ku tusinaysaa, in haddii wax badan laga isticmaali lahaa, waxan aynu la yaabanay wax kasii daran la sameyn lahaa, lana gaadhi lahaa.



Guud ahaan shaqada maskaxdu inoo hayso waxa ugu mudan ayaan odhan lahaa saddexdan:


In dhammaan xubnaha jidhka ay la shaqeyso, tahayna saldhiga laga maamulo.


in aynu wax ku kala garano, kuna fahanno sida: qalad iyo sax, xumaan iyo wanaag , iwm..


marna waxa ay noqon kartaa mid wax soo saar, sida: in aynu wax ku curino ama hal-abuurno.


Labada hore, shaqada ay jidhka u qabato iyo kan garashada. Dadka oo dhan way wadaagaan, xataa noolaha kale wax ka mid ah ayuu inala wadaagaa. laakiin ta u dambeysa oo ah dhanka wax soo saa saarka. Waxa kaliya oo ay gaar u tahay dadka, iyagoo waliba dadkuna ay kusii kale duwanyihiin heerka fikirka...


Jidhku wuxuu u baahanyahay cunto uu ku shaqeeyo, hawl maalmeedkiisana ku qabsado. Sidoo kale cuntada caloosheena aynu galinaynaa waa in ay tahay mid qiyaasan, caafimaad qabta oo dheelli tiran. Haddii kale wax korodhsaad lahayde wax yeello ayay kuu geysan. Si la mid ah ayay maskaxduna ugu baahantahay cunto ay ku shaqeyso, kuna gudato waajibaadkeeda. Oomatada jidhku rabaa hadday raashin ahayd. Maanku aqoonbuu rabaa. Taasaana quud iyo qadaba u ah. Aqoontaas oo ah mid manfac leh adduun iyo aakhiraba. Diinta islaamkuna ay aasaas u tahay. Sidii jidhkaba haddii cunno aan caafimaad qabin lagu qulaamiyo ay suurta gal u ahayd in ay waxyeelo u soo gaadho. Ayaa haddii aad wax kastoo aqoon lagu sheego sideeda ku liqdana; dhibaato ay usoo gaadhi kartaa hab fikirkaagana…



FIKIRKA:

Hordhac:Haddaba fikirku qiyaas ma leeyahay. Sidee loo fikiraa; sidee loo dhaliyaa; Sidee loo kobciyaa? Weydiimahan jawaabahooda ayaynu ku iftiimin doonaa mawduuca intiisa dambe oo ah fikirka iyo ujeeddada qormadeenan.


Hab uu qof caqligiisa u adeegsado ta ugu xeel dheer ayaa fikir noqonaysa. In la fikiro , caqligana si fiican loo adeegsado Qur’aanka ayaa ina faraaya; “afalaa tafakaruun [Miyaydaan fikirahayn]” ayuu illaahay ina leeyahay . Mar kasta oo uu qof fikiro qasab maaha in uu wax curiyo ama wax hal-abuuro. Laakiin waxa ka horeysa, wax is wedyiin badan, iyo fikir dheer oo bilaa wax soo saar ah. Waa bilawga hal abuurka, waa haddii uu qofku fahmo ka dibna uu weelooyo.


Mar haddii maskaxda oo asalkii ahayd, lagusoo habay diin iyo aqoon middeeda wanaagsan. Waxa hubaal ah, fikirka oo ah natiijadii iyo wax soo-saarkii aqoontaasina inuu noqonaayo mid xalaala oo wax tar leh, loona aayo. Horaa loo yidhi hal xaaraani nirig xalaala ma dhashee; Haddii maskaxdaasi ahayd mid diinta ka fogayd oo falsafad qalalan iyo afkaar wasakhaysan kasoo baramoostayna, wuxuunbay soo saari fikir midkiisa ugu liita.


Noocyada fikirka: kaliya maaha in aynu wax ka ogaano , sida loo fikiro ama fikirku waxa uu yahay. Waxa mudan sidoo kale in aynu ogaano, noocyada fikirka.


si guud fikirku laba mid ayuunbuu noqon karaa: mid togan (positive) iyo mid taban (Negative). Waxaanay ku xidhantahay sida aynu hore usoo sheegnay raad raacii hore, iyo quudkii maskaxda. Ama barnaamijyada hore ee maskaxda lagu ababiyay ha nqoto mid la xidhiidha yaraantii qofka ama mid la xidhiidha aqoontiisa iyo maraajiicdiisa dambee.


Habka iyo hannaanka aad u nooshay wuxuu ku xidhanyahay habka iyo hannaanka aad u fikirto. Sidaa daraadeed haddii aad fikirkaaga wax ka badasho, hagaajiso, horumariso. Waxa ay wax iska badalayaan dhammaan nolashaada oo horumaraysa. Sababtoo ah, fikirkaagu wuxuu badalayaa, hab dhaqankaaga, hab dhaqankaaguna, wax yaabaha aad rumeysantahay ayuu badalayaa. Ka dibna waxa is badalaaya natiijooyinkaaga. Natiijooyinkaaguna waxa ay ka turjumayaan qofka aad tahay. Sidaa daraadeed nooca uu fikirkaagu yahay ayuunbaad tahay. Haddii aad ogaato fikirna waxa aad ogaatay qof.


Halbeegga fikirka: waxa jira dad raadiya ama u dooda waxa loo yaqaan “Xorriyad aan xuduud lahayn”. Taasoo lagu qaldo dadka badhkiis; ujeeddo kastaba ha laga lahaadee. Waxaynu ognahay in dal walba leeyahay sharci iyo qaanuun u gaar ah. Sidoo kale waxa ka jira jeelal lagu xidho qofkii sameeya wax sharciga kasoo hor jeeda. Arrimihaasi waxa ay cadeyn u yihiin in aanu jirin bini’aadan ku dhaqma fikirkaas odhanaaya yaanuu jirin xad.. haddaba si arrintaasi ugu hir gasho waxa ay ku baddaleen oo baryahan dambe socota, fikir aan lahayn xad. Macnaha ka dambeeya maaha ha la fikiro, laakiin waa ha la shakiyo. Waxaana dadka loo jiheynayaa dhanka shahwada iyo shaydaanka. Waayo waxa aynu ognahay in ay jiraan wax ay diinteenu inooga digtay oo ah shubahaad. Sidoo kale waxa jira wax ay nafta, shahwada iyo shaydaankuba ay rabaan. Qofkuna wuxuu geesi nimo iyo raganimo leeyahay markuu ka adkaado kana guuleysto dhamaantood. Waana sababta Jihaad midka ugu fadliga badan u yahay, midka qof uu la galo naftiisa. Ma hawl yaraa, in aad meel mariso kana guuleysato wax gudahaaga ku jira iyo cadaw bannaanka kaaga yimid oo isku kaa kaashaday. Waxaanaa taa kuu sahlaaya, ugu horeyn fahan iyo barasho diintaada ah iyo duco fara badan oo aad Alle kaga magan gasho dhibaatooyinka iyo shirqooladoodaas. Nabi Maxamd (csw) ayaa wuxuu ku duceysanaayay “Allaw adaa qalbiyada rog rogee, ku sug diintaaada qalbiyadayada”. Maxaad u malayn maanta oo aynu guryaha ku haysano wax kastoo ina fidneyn karana...


Diinta islaamku iyadaa halbeeg inoo ah. Sababtoo ah islaamku waa nolasha oo dhan. Sida aynu xaga hore kusoo sheegnay; qof walba wuxuunbuu noqdaa ama uu yahay sida uu fikirkiisu yahay. Haddaad tidhaa “fikirkaygu xad ma lahaa”; Wuxuunbaad u mar-marsoon “ficil kayguna xad ma lahaa”. Xorriyad iyo fikirba waa la ogolyahay laakiin intee in leeg ama sidee ayaa loo ogolyahay ayaa mudan in la is weydiiyo. “Xorriyad bilaa xuduud ah xoolaha iyo xayawaan u daa. Xeyndaabka dadku se waa caqiido iyo xukun diin”...


Waan ogolay in la fikiro, laakiin ma doonayo inaan u fikiro sida maangaabka. Waxaanse doonayaa inaan u fikiro sida dhabta ah ee ilaahay iga doonayo inaan u fikiro…..”


Sidee fikirka lagu dhaliyaa, ka dibna lagu kobciyaa?


Akhriska: Fikir waxa lagu abuuraa ama laga bilaabaa, in aad qorto waxyaabaha yar yare e maskaxdaada kusoo dhacaaya. In aad nolasha kugu xeeran wax badan iska weydiiso. In aad baahidaada ka faa’ideysato. Waxaas oo dhan waa bar bilawga fikirka. Waxaanaad ku kobcin kartaa, ugu horeyn waa akhriska. Sababtoo ah akhrisku waa habka ugu wanaagsan ee aad aqoon middeeda ugu wacan aad ku ugaadhsan karto. mar kastoo aad wax cusub akhrido maskaxdu waxay helaysaa xog cusub. xogtaa cusubna waxa ay isku xidhaysaa wixii ay hore u taqaanay ee ay ku ogaatay hab barasho iyo mid waaya aragnimo. Halkaas ayaa waxa ka dhalanaaya fikir cusub ama waxa kobcaaya mid hore u jiray.


Baahida: Aragti ahaan, fikir midkiisa ugu sareeya wuxuu ka dhashaa dhibaatada, baahida iyo rafaadka…!! Waxa laga yaabaa inaad is weydiiso; Sidee mid rafaaday maskaxdiisu uga wanaagsantahay mid raaxo ku jira?. Jidhka iyo maskaxdu way isa saameeyaan. Midba midka kale ayuu raadeeyaa. Haddii aad daasho, wax badan isku daydo, fashil iyo caqabada badanna aad la kulanto. Maskaxadaadu intii hore in ka badan ayay shaqeenaysaa. Sababtoo ah waxa ay raadinaysaa xal iyo jawaabo aad kaga baxdo dhibaatada ku haysata.. Sidaa kasoo hor jeedkeedana. Haddii aad raaxo ku jirto, wax kastood u baahataana agtaada yaal. Maskxadu isma dhibayso. Xal iyo jawaabna raadin mayso. Waa halkaa halka laga keenay maahmaahda af carbeed ee tidhaa “baahidu waa hooyada hal-abuurka” anna aan ku ladhay odhaahda ah“Raaxadu fikirka u daranaa; rafaadkuna u wacanaa”…U fiirso dhammaan dadka adduunka guulaha badan gaadhay ama raadka ku leh. Kuwa dalkeenna iyo kuwa adduunkaba. Wuu yaryahay in aad aragto qof adduunka wax kusoo kordhiyay oo haddana ilaa markuu dhashay aan dhib arag; nolol reyn reyn lehna ku jiray; wax kastuu u baahdaana hortiisa yaaleen. Taa macnaheedu maaha haddii aanay baahi ku hayn seexo. Haddiiba aad diyaar u tahay in aad fikirto, waa in uu jiraa rabitaan xooggan oo adiga kaa yimid. Adoo nimcadaada ku dhex jira haddii aad han iyo rabitaan sare leedahay. Isla mar ahaantaanna ay jirto sabab iyo ujeeddo dhab ahi. kuna darto daal, dadaal iyo dareen; waxa hubaal ah, in aad dhaqaajin karto maskaxdaada, fikrado qurux badanna aad dhalin karto. Kuwaas oo aad ku hanan karto wax kasta oo aad hiigsato, kuna horumarin kartid nolashaada iyo ta deegaankaagaba....

Post a Comment

0 Comments