Marar badan waxa dhacda ama aynu u badanahay in ay ka shaqayno ama barano, waxyaabo aynaan ku raaxaysanayn barashadooda iyo qabashadooda toona.
Taasi waxa ay horseedaa in dhallinyar badani ka niyad-jabaan waxbarashadii iyo shaqadiiba.
Si aanay taasi kuugu dhicin, ogow in ay jirto wax aad ku fiican tahay oo aan lagaa badin karin, waxaasina uu kaaga baahan yahay raadin iyo baadi-goob si aad u hesho. Haddaba waxaas soo hel oo kadibna baro ama ka shaqee. Marka aad garato waxa aad ku fiican tahay, majiro wax kaa qurux badan oo si niyadda ayaad hawshaa u qabanaysaa ama waxaas u baranaysaa, inta aad ku guda jirtona waad ku raaxaysan.
Farxadda waxbarashada iyo ku qanacsanaanta goobta shaqada, inta badan jawigaas waxa abuura in aad garanayso waxa aad ku wanaagsan tahay qabashadooda iyo heerkaaga iyo dadaalkaaga aqooneed inta uu gaadhsiisan yahay.
Noloshu waa maalmo kooban oo aan u baahnayn in aad naftaada ciqaabto, ama naftaada hawadeeda raaciso oo wax walba ka caajisto kana caga-jiido, balse waxa lagaaga baahan yahay in aad garato waxa aad ku wanaagsan tahay, islamarkaana aad ficil ku darto oo aadan noqon iska fadhiye.
Nolosha inbadan waxa keena in qofku naco waxbarashada ama goobta shaqada, waa hadaf la'aanta iyo qorshe la'aanta. Inta badan qofka garanaya halka uu u socdo iyo halka uu ka yimi, waxa uu garanayaa dariiqa iyo waddada uu marayo halka uu hiigsanayo mustaqbalka. Qofka aan se qorshaha iyo hadafka lahayni, waa sida bac yar oo dabayshii soo dhacdaaba dhinacay doonto u qaadayso ama ula kacayso.
Noloshaada dhabta ah haka raadin in aad meel kale hesho, ka raadi gudahaaga waxa ay kuu saari doontaa nolosha bannaanka si aad ugu raaxeysato, oo aad u hesho nolosha sacaadada leh.
Ha noqon qof caadifi ah oo marna hiyo kaca, wakhtiyada kalena caajis la daalaa-dhacaya, isu ballanqaad in aad gaadhi doonto halka aad xariiqatay, ayna kuu taal hawl iyo tacab si aad barri ugu raaxaysato waxa aad maanta sii qabatay.
Cudurka ugu weyn ee kugu dhici doonaa waa dib-u-dhigashada, waxa uu kuu taagan yahay kadinka ama albaabka aad safarka ka bilaabi doonto, waxa uu isku dayayaa in uu ku joojiyo isaga oo ku soo diraya saaxiibkii caajis, caajisna waxa uu kugu qancin doonaa in wax walba hagaagi doonaan isaga oo ku soo dirayaa saaxiibkii cudurdaar, marka aad ka takhalusto saddexdaas oo jidka ku sii taagan, waxa aad hannan doontaa badhaadhaha iyo ku raaxaysiga waxa aad qabanayso ama baranayso.
Ugu dambayn, kaliya waxa aad barataa ama ka shaqaysaa waxa aad u aragto in aad jeceshahay, sido kale aad isleedahay waad ka gaadhi horumar iyo sarreyn. Shaqada iyo waxbarashada aadan niyadda u hayn, naf hurna aadan ula imanayn waqti ha iskaga lumin, naftaadana ha u horseedin guuldaro ay sii og tahay oo marwalba cudurdaar ay ka dhigan doonto.
Fadlan, Walaal adiga oo mahadsan Share dheh, oo la wadaag walaalaha kale si ay u akhriyaan qoraalkan.
0 Comments