Halkan ka akhriso sida Russia ay Ethiopia.....
Ethiopia inay dhaqaale ahaan u xoroowdo waxaa ka hortaagnnaa dagaalkii labada sano socday ee Tigray, inaysan deked lahayn oo ay 95% dadkeedu lahayn biyo ay uriyaan iyo in ay Djibouti lacago badan dulsaarto Container walba oo Ethiopia u socda. Haddii dhaqaalaha Ethiopia oo cirka galo, khatar waxay ku noqonaysaa dalalka dariska ah oo xorriyadooda lagu durdurin doono.
Dalalka darisku taas waxay u arkaan in Ethiopia ay dagaal ku qabsan doonto dariska, si ay xoog ugu hesho biyaha badda. Safiirka South Sudan u fadhiya Russia, ayaa waraysi dhawaan uu siiyey TASS ku sheegay, in uu jiro qorshe ballaaran oo
Russia qandaraas lagu siiyey in uu labada sano ee soo socota baaro, kaddibna khariirad ka diyaariyo khayraadka dabiiciga ah ee South Sudan.
Labadaa sano waxaa lagu dhisi doonaa dhuumaha khayraadkaa ka soo qaadi doona South Sudan, kaddibna la soo dhexmarin doono Ethiopia ilaa dekedda Badda Cas laga dhoofiyo. Hore ayaa mashruucan looga wada-hadlay in Djibouti laga dhoofiyo, laakiin si rasmi ah looma saxiixin waqtigaa.
Taa micneheedu waa, in Russia ay Ethiopia ka caawinayso isku-xirka qorshaha ballaaran ee ay Ethiopia wadato. Djibouti waxaa laga yaabaa inay qorshahaas dib uga wada-hadasho dhinacyada ay khusayso, haddii Djibouti ay saliidda South Sudan ee dhuumahaa ku imanaya dalkeeda ay wax ka iibsan karto oo waliba qiime macquul ah looga iibiyo.
Qorshahan wuxuuba ka sii macaan yahay, haddii ay Russia ka dhisayso Djibouti warshad lagu sifeeyo saliidda. Intaa waxaa dheer oo qorshaha Ethiopia ku jirta, in waxyaabaha beeraha South Sudan ka soo go'a la keeni doono Djibouti oo waliba qiime jaban lagu keeni doono. Ujeedkuna yahay, inay Ethiopia si dadban ugu hoos-naban tahay Russia iyo South Sudan, si ay u hesho deked ay wax ka dhoofsato.
Djibouti waxaa laga dhammeeyey, in dakhliga ka soo xarooda mashruucan ay 3 jibbaar ka badan ka heli doonto dakhliga maanta ay hesho Djibouti. Qorshaha waxaa kashifay Safiirka South Sudan. Laakiin waxaa si hoose arrinta u dhammaystay saddexda dal ee Russia-Ethiopia-South Sudan. Walina Djibouti iyo Russia qodobkan kama aysan wada-hadlin, laakiin waa loo soo socdaa.
Haddii wadahadalka sadexadaas dal afar looga dhigo Djibouti, markaa waxaa laga yaabaa, in Djibouti uu hunguri galo oo ay ku dhacdo dabinka Ethiopia ay ka soo shaqaysay. Intaa waxaa dheer, inuusan Ruushku fulin karin dhammaan qodobbadan gabagabada ku dhaw, haddii uusan Ruushku saldhig military ku lahayn Djibouti. Waana qodobka ugu dambeeya oo hadhoow Djibouti lagala hadli doono.
Wax walba hadda waxay ku socdaan si hoose oo sir ah. Haddiise ay Arrimahan fashilmaan, Ethiopia waxaa u fudud oo aysan wadahadal ka galayn xeebaha Soomaalida oo ay hore ugu dhex-gashay Soomaalida siyaasaddii gumaysiga ee ahayd "divide-and-rule oo ah qaybi oo xukun.
0 Comments