Qofkasta nasiib uma yeelanin in uu ku soo dhex barbaaro qoys qani ah, ka dibna uu sidaa lacag ku yeesho. Balse, xusuusnow in aadan u baahnayn caannimo, dhaqaale dhaxal ah ama wax kale oo wayn oo aad ku noqoto taajir.
Sidoo kale, waa lagu kala aragti duwan macnaha muujinaya in qof uu taajir yahay iyo waxa loo arko taajirnimo. Haddaba, taajirnimada ma ahan oo keli ah inta lacag ee aad haysato, waxaa sidoo kale qeyb ka ah dakhliga ku soo gala bil kasta.
Sidoo kale, waxaa qeyb ka ah dhammaan qiimaha hantidaada, ganacsiyadaada iyo xitaa lacagta deynta kaaga maqan. Haddii taas hadda aad ogaato, waxaa kuu fududaaneysa in aad taajirnimada u sii dhowaato.
Sidoo kale, ha niyad jabin haddii dhaqaalahaaga uu yaryahay xitaa haddii hantidaada oo dhan la isku daro, hadda ayaad billaabi kartaa howlaha la xiriira sidii taajir aad ku noqon lahayd, adigoo aan waxba haysanin.
Waxaad u baahan tahay in aad raacdo tallaabooyiin kooban oo fudud. Aan dul marno!
Fikirkaaga lacagta ku saabsan mid sax an waa in uu noqdo
Fikirka iyo maskaxda waa arrimo awood wayn leh! Si gaar ah, marka laga hadlayo qaabka aad uga fikireyso lacagta. Haddii aad fikirka iyo maskaxda faqiir ka tahay, waxaad la kulmeysaa go’aanno dhaqaale ku ciyaar ah.
Haddaba, wax ka bedel qaabka aad u fikirto, dabeecadahaaga ku wajahan isticmaalka lacagta, waana in aad ku dadaashaa horumarka naftaada.
Mid ka mid ah qaababka ugu wanaagsan ee aad naftaada ugu dhiiragelin karto qaab fikirka wanaagsan ee lacagta waa in aad sameysato qorshe iyo miisaaniyad ku saabsan sida aad u isticmaaleyso iyo qaabka aad u maalgashaneyso.
Sidoo kale, waxaa wanaagsan in aad akhriso buugaagta ka hadlaya dhaqaalaha iyo lacagta – si gaar ah kuwa ay qoreen dadka taajiriinta ah ee dhanka ganacsiga ka gaaray guulaha waaweyn.
Qorshe dhaqaale yeelo
Tallaabada ugu way nee taajir lagu noqdo, adigoo waxba aan haysanin, waa in aad yeelato qorshe dhaqaale. Haddii u diyaar-garowga uu kaa qaldamo, isu diyaari in aad guul dareysato. Waa maahmaah can ka ah dhanka dhaqaalaha.
Haddaba qorsha dhaqaale wuxuu u qeybsamaa:
Yool ama tiigsi dhaqaale in aad yeelato
Waa ujeedada koobaad in ay jiraan arrimo dhaqaale oo aad tiigsaneyso. Waxaa fiican in aad diyaariso yoolka dhow iyo midka fog – inta bada. Sidoo kale u kala saar waxyaabaha waawayn ee aad hiigsaneyso iyo kuwa yaryar eek aa caawinaya in aad yoolkaas gaarto.
Tirada si wanaagsan isaga eeg
Dib u xusuuso, si aad taajir u noqoto, waxaad u baahan tahay meel aad ka bilowdo. Waa in aad kala garato hantada aad xilligan leedahay. Taas waxay kaa caawineysaa in aadan isku qasin tiradaada.
Sidoo kale, si xisaabta aysan kaaga khaldamin, hadda ka sii fakar – sannadka soo socda imisa guri iyo dhaqaale baad u baahan tahay? Yoolalka aad tiigsaneyso kuwee ku guuleysan kartaa? Sidoo kale waa in aad la socotaa hadba tiradaada heerka ay gaarto.
Deen ha qaadanin, ama inta lagugu leeyahay marka hore iska wada bixi
Deenta way dhib badan tahay. Midda yar ee shaqsiyadeed, kuwa bangiyada laga qaato iyo xitaa waxbarashada midda la isaga bixiyo, dhammaan waa culeys hor istaaga hormarka qofkasta.
Haddaba, sirtu waxay tahay in aad dhammaan deymaha iska bixiso, mid kalena aadan qaadanin, si aad taajir u noqoto. Taas waxay kuu fududeyneysaa in aad si degdeg ah hormar u gaarto, adigoo wax walwal ah uusan gadaal kuu jiidaynin.
Lacag keydso
Haddii aad weydiiso arrintan qof taajir ah, jawaabta waxay noqoneysaa, lacag meel dhigo. Waa tallaabo muhiim u ah in aad qani noqoto adifgoo waxba aan haysanin.
Uma baahin in kumannaan dollar aad halmar keydiso, balse waxaad meel dhigi kartaa in yar oo ka mid ah miisaaniyaddaada bil kasta.
Ku noolow heerkaaga iyo ka hoose – Adigoo waxba haysan, ha u noolaanin sida taajirka!
Waa sirta ugu wanaagsan arrintan. Waa in aad ku noolaataa meel ka hooseysa dakhligaaga bil kasta ama lacagta ku soo gasha. Haddii aad wax kasta iibsato, iska baashaasho, adigoo lacagtii aan haysanin, weligaa ma gaareysid heerka aad tiigsaneyso.
Balse marka aad ku nooshahay heerkaaga am aka hoose, qarash badan kaama bixi doono, lacagta way kuu keydsameysaa.
Arrintan waxaa kaa caawin kara in aad miisaaniyad yeelato, si aad u ogaato qarashka kaa baxaya iyo awooddaada. Muhiimadda waa in aad niyadda ku hayso shilin kasta oo kaa baxaya iyo waxa uu kaaga baxayo.
Sameyso meelo kala duwan oo dhaqaale uu kaa soo galo
Weligaa ha isku halaynin hal shaqo. Lacagta ku soo gasho in ay meelo kala duwan ka timaado waxay ku fiican tahay, xilliga ay meel ka mid ah kaa soo xiranto. Dadka hal shaqo ku tiirsan, marka taas ay wayaan, cidlo ayey ku soo dhacaan.
Dadka bilyaneerada ah xitaa waxay leeyihiin meelo kala duwan oo lacag ay ka soo gasho. Ninka dunida ugu taajirsan ee aasaasay Amazon, Jeff Bezoz, kuma tiirsano halkaas ganacsi, balse wuxuu leeyahay meelo kale oo dakhli uu ka helo.
In aad meelo kala duwan wax ka hesho waa badbaado iyo badqab wanaagsan, waana aasaaska taajirnimada.
Adiga oo kale oo bilow ah waxaad sameyn kartaa, shaqo guud oo lagugu og yahay, kuwa qarsoon oo mararka qaar aad qabato, maalgashi in lacagtaada qaar aad geliso, iyo xitaa in aad kireyso gurigaaga – haddii adiga aad leedahay.
Midna xusuusnow, yaan lagugu gaadin qorsheyaasha qaar ee lagu sheego in si degdeg ah loogu taajiro – Waxaa ka mid ah shirqoollo ama burcad dooneysa in lacagtaada yar ay kaa dhacaan.
Lacagtaada maalgelin ku samee
Hadda Ayaan soo gaarnay arrinta ugu muhiimsan! Marka ay kuu sooragalaan qodobbada aan kor ku soo xusnay, lacagta aad hesho, qeyb ka mid ah maalgelin ku samee. Xitaa haddii ay yartahay, waad gelin kartaa maalgasho.
Si la mid ah in meelaha aad lacagta ka hesho badiso, waa haddana in aad badiso goobaha aad maalgashaneyso.
Taas micneheedu wuxuu yahay in meelo badan aad ka heleyso lacago: Maalgashiyada waxaa ka mid ah:
Sarifka
Shirkadaha
Dhismeyaasha iyo dhulalka
Ganacsiyada
Talada ugu wanaagsan waxay tahay, in aad maalgashiga bilowdo beri ama sida ugu dhaqsaha badan, si dhaqaalahaaga u sii bato. Arrimaha aad baran karto ka hor maalgashiga waxaa ka mid ah:
Sida maalgashiga u shaqeeyo
Khasaaraha iyo dhibaatooyiinka laga fogaan karo
Sida mushaarkaaga loo geliyo maalgashi iyo sida wax looga faa’ido
Sheekooyiinka guusha ee la xiriira maalgashiya iyo sida ay ku dheceen.
Waxaa jiro buugaag badan oo laga qoray, haddii aad akhrisana aad wax badan ka faa’idi doonto.
Aragtidaada ka dhiibo
SEEMORE...............
0 Comments