BREAKING 🚨🚨
Hay’adda sirdoonka Turkiga ee MİT, ayaa shalay shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigtay shabakad basaasiin 34 qof ka kooban oo gudaha Turkiga uga shaqeynayay sirdoonka dibadda Israa’iil ee Mossad, kuwaaso u badnaa dad ku hadla Carabiga iyo Turkiga oo isugu jiray Falastiiniyiin, Turki , Israa’iiliyiin iyo kuwa jinsiyado kale heysta oo aan la sheegin.
Waxaa jira 12 kale oo shabakadan ka tirsan oo baxsad ah kuwaaso la aaminsanyahay inay xilli hore ka baxeen Turkiga ,sida laga soo xigtay warbixinta MİT. Kani waa hawlgalkii afraad ee ka hortagga sirdoonka Turkiga ee ka dhanka ah shabakada wararka iyo hawl-wadeennada xiriirka la leh adeegyada sirdoonka Israa’iil, sida Shin Bet iyo Mossad, tan iyo 2021.
Haddaba su’aasha waxay tahay sidee ugu suragashay Israa’iil inay basaasiin shabakad sidaa u ballaaran ku dhex sameyso gudaha Turkiga?
Turkiga , wuxuu leeyahay magaalooyin taariikh ku leh howlgallada sirdoonka, waxaan ogahay wax badan inad maqashay Istanbul iyo sida ay u tahay magaallo ay wada-joogaan wakiillada hay’adaha sirdoonka caalamka, sababto ah waa magaallo dalxiis oo ay jecelyihiin dadka bariga dhexe oo Carabta u badan iyo Yurub, waa inan sheegna Buenos Aires, oo la mid ah.
Haddaba, Israa’iil si ay nabad u hesho waxay ogtahay inay muhiim u tahay kuwa ay halista u aragto inay hesho goobo ay ku bartilmaameedsan karto ama xog iyaga la xiriirta ka heli karto, tan ha u qaadan inay Istanbul u doorteen daciifnimo sirdoon, wuxuu leeyahay Turkiga awood sare oo sirdoon iyo war-doon heli kara xogo, haddana magaalada mashqulka ah waxaa fursad ay u tahay sirdoonk shisheeye inay ajaaniibta ku beegsadaan, iyadoo la isticmaalo Turki ama dad wax badan ka garanaya Turkida.
Aan ku soo laabta Israa’iil sida ay uga howlgasho Istanbul; Saraakiisha sirdoonka Turkiga ayaa sheegay si ay u helaan kuwa u shaqeeya sirdoonka Israa'iil inay inta badan soo dhigaan ogeysiisyada shaqo internetka iyaga oo aan wax tafaasiil ah bixinayn si ay u doortaan shaqsiyaad ku habboon ee la soo xiriira. Ma aha markiiba inay sheegayaan inaad la shaqeyn doontid hay’adaha sirta ee Israa’iil, laakin si aad u fahanto, waxay sameeyaan habab ay ka mid tahay ; Tusaale ogeysiis lagu doonayo shaqaale leh xirfad sare oo ah ku hadalka iyo qorista luuqada Turkiga iyo Carabiga, kaddib qofka iyaga soo waca waxay ku samaynayaan baaritaan gaar ah iyagoo u diraya shaqooyin inuu turjumo Turki ama Carabi.
Waatan sheeko ina fahansiinaysa taa; Ahmet S, oo ay booliska Turkiga ku soo qabteen hawlgal sannadkii 2022, ayaa maxkamadda Istanbul ka sheegay sannadkii hore inuu lambarka ku qoray ogeysiiska shaqo wacay, shaqadaa oo ah "in la raadinayo shaqaale ku hadla Carabi iyo Turki". Markii uu shaqada billaabay wuxuu sheegay in maalin walba farriimo loogu soo diri jiray WhatsAppka , si uu u beddelo qoraallada loo baahanyahay. Saraakiisha Israa'iil lama xiriiraan shakhsiyaadkan shakhsi ahaan, laakiin kaliya waxay u diraan farriimo qoraal ah iyagoo adeegsanaya sida Telegram iyo WhatsApp.
Qayb ayaa soo mara hubin noocaa ah, kuwa kale waxaa soo xeragaliya shaqsiyaad lagu kalsoonyahay oo u dhaxeeya iyaga iyo Israa’iil ka hor inta aysan noqon kuwa loo tababarro howlgallada xog aruurinta iyo kuwa gaarka ah. Habka ugu xooggan waa in qof aan awoodin inuu helo shaqo lacag badan , middan lagu siinayo lacago badan , iyadoo lamarayo habab aan la dabagelin karin sida in lacagta lagu bixiyo cryptocurrency ama xawaalad. Marka ay timaado dabeecad la qabsi ah ee lacagaha badan waxaa imaanaya sarkaal Israa’iili isagoo garanaya qayb kasta oo kooxda ka mid ah sida uu u adeegsanayo, wuxuu siinaya kuwa uu rabo tababarro gaar ah, mar kale ayay helayaan lacag ka badan middii hore , markaa waa xilliga ay dhowdahay in loo diro howlgallo ,laakin wali dhaqso uma shaqo galayaan tijaabooyin kartidooda iyo daacadnimadooda lagu eegayo ayay maraan, kuwa baasa waxay galayaan howlgallo casri ah, iyagoo la sii ogeysiisanayo dabeecada sirdoonka Turkiga iyo hab kasta oo shaki abuuraya.
Hawl-wadeenada ayaa marka hore laga codsanayaa inay qabtaan hawlo kooban si ay u abuuraan qorshe hawleed ku wajahan bartilmaameedyada dhabta ah.
Tusaale ahaan, Israa’iil waxay ku guulaysatay inay shaqaalaysiiso koox dembi-baarayaal oo gaar ah gudaha Turkiga kuwaas oo bartilmaameedsaday shakhsiyaad gaar ah oo ay danaynayeen iyagoo ururinayey xog shakhsi ah, cilmi-baaris, muuqaallo iyo sawirro laga qaadayo bartilmaameedyada, ilaalinta iyo dhejinta qalabka GPS-ka ee baabuurta ama qalabka uu sito qofka la doonayo. Hawl-wadeennada Israa'iil waxay sidoo kale kooxda ka dhex doortaan shakhsiyaadka doorar xeeladaysan wax ku fulin kara.
Kuwa ka shaqeynaya howlgalka xeeladaysan waxa loo wakiisha inay abuuraan koox Whatsapp ah oo maamula hawlgalka, samaynta mareegaha loo isticmaali karo ujeedooyinka hawlgalka, sida samaynta wargeys online ah si uu u faafiyo warar been abuur ah, samaynta goobaha sarifka lacagta iyo xawaaladaha.
Inta aan wax la xiriira arrintan baarayay, waxaan arkay saraakiisha sirdoonka Turkiga oo sheegaya inay Israa’iil labo hab u adeegsato kuwa ay ku kalsoontahay. Kooxda koowaad waxay fulisaa hawlo fudud halka kooxda labaad ay ku shaqeeyaan howlgallo adag si xeeladaysan. Si loo hubiyo in aysan u dareemin in ay dalkooda khiyaameynayaan, kuwa Turkida ah ee la qorayo waxaa la siiya lacago badan si aan toos ahayn, illaa uu sheegto xaalad nafsi ah iyo culeys dhaaale, kuwa kalana waxaa lagu gaadaa in loo ka xeeyo safarro cajiib ah oo ay ku raaxaysanayaan. Kuwa lagu kalsoonaado daacadnimadooda , waxaa loogu yeera shirar gaar ah oo ka dhaca dibadda, waxaana lagu martigeliyaa hoteello iyo maqaayado qaali ah, iyagoo loo sheegayo tani inay abaal-marin tahay.
Tusaale ahaan, Documentary ay Aljazeera sannadkii hore sii deysay waxa uu tilmaamay in arday falastiini ah oo loo qoray hawl-gallada xeeladaysan ee sirdoonka Israa’iil inay qunsuliyadda guud ee Switzerland ee Istanbul siisay fiisaha dal ku galka Switzerland muddo saacad ka yar iyada oo aan wax codsi ah laga helin, si uu halka u tago waqti raaxo iyo tababarno usoo qaato. Tan waxaan u leeyahay khibrad sannadkii 2022 -kii waxaan ka dalbaday safaaradda Nairobi ee Switzerland dal ku gal, iyadoo la marayo habka deg deg ah , waxaan sugayay Khamiis illaa Talaado toddobaadkii dambe , waxay qaadatay si aan u helo shan maalin oo ay ku jirto labo maalin oo fasax ah.
Waxaa jirta sheeko kale , sirdoonka Turkiga nin ay si dheer u waraysteen oo ka mid ah shaqsiyaadka uga shaqeynayay gudaha Turkiga sirdoonka Israa’iil oo magaciisa lagu sheegay Selcuk Kucukkaya, si uu ugu beddesho in loo soo gaabiyo xukunka wuxuu bixin warbixin , sida uu baahiyay wargeyska Middle East Eye.
Kucukkaya ayaa u sheegay baarayaasha Turkiga bishii September in uu saraakiisha Israa’iil kula kulmay 10 magaalo oo Yurub ah 11 jeer intii u dhaxaysay 2018 iyo 2022. Kucukkaya waxa uu sheegay markii uu billaabay inuu la kulmo nin lagu magacaabo Jorge iyo maamulihiisa Alfonso oo ku sugan Yurub, si uu u siiyo faahfaahin dheeraad ah oo la xiriirta warbixinta xogta uu ku ururiyay muwaadiniin u dhashay Iran, Lubnaan iyo kuwa kale oo Carab ah. Mar kasta oo shir uu tagayo waxaa la siin jiray lacag, si ay u noqoto wax xiiso leh shaqo badan oo qasabta in kulan loogu yeerana u qabto. Bishii December 2018, waxa uu kula kulmay Copenhagen, raggii ka qaadayay tijaabo polygraph , waa hab lagu oggaado qofka inuu run sheegayo ama been , si loo hubiyo daacad-nimadiisa , waxa ugu weyn oo laga oggaanayo waa in laga hubiyo inuu la shaqeeyo Dawladda Turkiga.
Sannadkii xigay, wuxuu helay darajo oo computer-kiisa ayaa si rasmi ah loogu soo dejiyay bar gaar ah oo ay ku wadaagaan farriimaha isaga iyo kuwa Israa’iiliyiinta ah ee Mossad, isagoo ku sugan Belgium . Kucukkaya waxa kale oo uu sheegay in bishii Luulyo 2020 lagu wargeliyay inuu dabagal ku sameeyo muwaadin Falastiini ah oo lagu magacaabo M. al-Mahmoud oo ka soo degay gegida dayuuradaha ee Istanbul isagoo ka soo kicitimay Beirut.Marka uu gudbinayo warbixinnada waa inuu ku daraa haddii muwaadinka Falastiiniga ah uu haysto koox soo qaada, ama ay la socdaan ilaalo hubaysan.
Kucukkaya ayaa sidoo kale loo wakiishay in uu koox shaqaaleysiiyo waxaana lagula taliyay in uu howsha u isticmaalo ugu yaraan saddex baabuur iyo mooto si uusan u lumin bartilmaameedka oo aan la ogaan. Ujeeddadu waxay ahayd in la ogaado meelaha dayacan ee waddada uu ku safrayo muwaadinka Falastiiniga ah, si loo fuliyo haddii loo baahdo weerar dil ama afduub ah.
Sirdoonka Turkiga ayaa sidoo kale sheegay in dadka sida Kucukkaya oo kale ah la siiyo boorsooyin si gaar ah loo sameeyay oo leh qaybo sir ah oo ka gudbi karta qalabka wax lagu baaro ee raajada iyo baaritaanka K-9 iyadoo aan la ogaan, waa sida adigoo hotel ama garoommada diyaaradaha la dhexmaray hub fudud. Waxa kale oo la bara ilaalinta, dukumentiga sirta ah,sawir-qaadista, kaydinta, warbixinta iyo amniga hawlgelinta inta lagu jiro shirarka dibadda.
Ugu dambeyntii; Adeegga sirdoonka Israa'iil waxay leeyihiin shakhsiyaadka noocan oo kale ah waxay u diyaariyaan dhinacyada ugu muhiimsan ee hawlgallada suurtagalka ah, sida qof laga afduubay Iran ama Ciraaq oo loo keeni karo Turkiga , shaqaaleysiinta koox fulisa weerarrada internetka , helitaanka dhismayaal gaar ah oo aan laga shakinayn iyo shaqaaleysiinta shirkadaha gaadiidka gurmadka deg deg ah ee caafimaadka, si loogu adeegsado howlgallada gaarka ah. Kuwa ugu muhiimsan ee shaqada sare hela waa dadka la yaqaan oo aan ciddi ka shakin karin xata Dawladda, waxaan u fahmay tan inay jirto hibo uu qofku leeyahay.
END
0 Comments