Waad Abuuri/Sameysani Kartaa Ganacsi Lacag La’aan Ah: Waxaa laga yabaa inaad jeceshahay inaad noqoto ganacsade, mise inaad hayso fikrad cusub ee ku saabsan ganacsi guulaysani karo. Dabcan sidda aan wada ogsoonahay ganacsiga haddii uu leeyahay suuq wuxuu noqdaa ganacsi guulaysta. Marwalbo waxaa wanaagsan qofka ganacsadaha ah inuu yahay shaqsi dhiiran. Haddii aad tahay shaqsi ay ku badantahay cabsida waxaa adkaani karayso inaad abuurato ganacsi guulaysta. Marwalbo qofka ganacsadaha ah waa inuu noqdaa qof aragti dheer leh, inuu yahay shaqsi ku kalsoon naftiisa, waa inuu yahay shaqsi aaminsan inuu qasaari karaayo iyo inuu faa’idi karo.
Haddii aad ka fogaato cabsida badan ee ku hayso waxaa suurta gal ah inaad dhinacyo badan ku guulaysani karto.
Waxay dad badan isweydiinayaan maanta ganacsi ma bilaabi karo illaa aan dhaqaalihii aan ku bilaabi lahaa aan haysto mooyee. Balse su’aasha meesha taallo ayaa ah, Adiga ma haysataa fikrad cusub oo soconayso? Maxaana cadeen u ah inay fikradaas ganacsi soconayso? Qaabkee ayaad ugu guulaysani kartaa fikradaas? Dhammaan su’aalahaan waa su’aallo muhiim kuu ah markii aad bilaabayso ganacsi.
Waa Maxay Sawabta Ganacsiga uu ugu Baahanyahay Lacag ?
Marwalbo oo lagu hamiyo ganacsi wuxuu u baahanyahay lacagtii lagu socodsiini lahaa ganacsigaas. Balse waxaa kalla duwan baahida ganacsigaas. Ganacsiga aad ayuu u kalla baahi duwanyahay waxayna ku xerantahay nooca aad u baahantahay inaad sameyso iyo sidda aad doonayso inaad u kobciso aragtida guud ee ganacsigaada. Inkastoo ay kalla duwantahay baahida ganacsiga hadana waxaa jirto siyaabooyin badan oo aad ugu guulaysani karto inaad sameyso ganacsi horumar weyn gaaray. Sawabta ganacsiga uu ugu baahanyahay lacag ayaa ah:
Shattiyada iyo ogolaansho: Waxay ku tiirsantahay gobolka aad ganacsiga ku samaynayso marwalbo. Qofka joogo deegaanada sidda Muqdisho, Hargeysa, Kismaanyo, Garowe, Baydhawo, Jig-jiga, Dirdhawa, Jabuuti ama NFD wuxuu u baahanyahay inuu la xariiro laamaha bixiyo Shattiyada iyo ogolaanshaha ganacsiga si laguu aqqoonsado inaad leedahay ganacsi. Dhammaan shattiyada iyo ogolaanshaha waxaa ku baxa lacag aan sidaas usii badneen. Gobolada qaar waxay leeyihiin nidaam qeexaayo in bulshada lagu dhiiri geliyo ganacsiga iyo inay sameeyaan isbedel, muhiimada laga leeyahay ayaa ah inay bixiyaan canshuurta. Laakiin ummada Soomaaliyeed ayaa u baahan in wax badan laga fahansiiyo bixinta canshuuraha faa’idada ay leeyahay. Wadamada qaar ee qaarada dunidda waxay sameeyaan, qaasatan dawlaha hoose inay bulshada ku dhiiri geliyaan inay samaystaan ganacsi si bulshada u yaalato ama ay u noqdaan bulsho isku filnaansho gaartay, waana sawabta Tukesomalism ay u bilaawday in bulshada lagu dhiiri geliyo inay abuurtaan ganacsi. Wadamada caalamka waxaa horumariyay waa ganacsatada rayidka iyo bixinta canshuuraha.
Qarashaadka: qaraashka kale ee aad u baahantahay markii aad sameynayso ganacsi ayaa waxaa ugu muhiimsan kuraastii lagu fadhiisani lahaa, korantada aad u baahantahay, biyaha lagu weyso qaadani lahaa, internetka, qalabka daabacaada iyo combuutarada aad ku shaqeysani laheed. Ogaaw marwalbo dunidda wey isbedeshay waxaa maanta lagu wada shaqeystaa waa kombuutar, kunna dadaal inad sameysato qanagsi ku dheehanyahay aqqoon iyo waayo aragnimo leh.
Suuqgeynta: marwalbo oo ganacsigaada cusub yahay waxaad u baahantahay inaad sameyso suuq geyn faro badan sidda inaad idaacadaha ka xayaysiiso, TVyada, boorarka waaweyn, xayaysiinta yaryar ee loo yaqaano “Micromarketing” oo ah in mobilada qoraallo la isu diro si dad badan ay kuu aqqoonsadaan inaad tahay ganacsi suuqa ku cusub oo aad u baahantahay macaamiil cusub. Suuqgeynta waxaa ku baxo lacag aad u xoogan balse haddii aan nahay Soomaali inta badan suuqgaynta kuma bixino dhaqaallo sidaas u weyn, waana waxyaabaha ganacsiga kor u qaado oo kuu sahlo inaad hesho baahidaada adigoo si fiican u qeexaayo baahida macaamiilkaada iyo cidda aad u sameysatay ganacsigaas.
Lacagta Sharciga: ganacsi markaad sameysanayso oo aad adiga leedahay fikrada ganacsiga waxaad u baahantahay inaad sharciyaysid fikradaada si cidkale aan u isticmaali Karin fikradaada. Arintaan markii aad sameynayso waxaad u baahantahay labo qof oo kala ah abuukaate iyo lataliye qaabiir ku ah ganacsiga iyo suuqyada.
Abuukaataha “lawyer” wuxuu kaa saacidayaa inaad sameysanayso ganacsi sharci ku dhisan, waa in ganacsigaada yahay mid si fiican u qeexan marka la fiiriyo sidda inta qof aad ku tihiin ganacsiga.
La taliyaha ganacsigaada cusub wuxuu kaa saacidayaa inuu kulla fiiriyo fikrada cusub ee aad haysato iyo sidda aad doonayso inaad suuqa ku gasho wali adigoo si fiican u qeexi karo aragtida dheer ee aad haysato. La taliyaha waa inuu noqdaa qof aqqoon u leh suuqa aad galayso ama aad ku bilaabayso ganacsiga.
Shaqaalaha: Ganacsiga aad bilaabayso haddii uu yahay ganacsi kaligaa aad qabani karto umma baahnid inaad shaqaallo keensato ee hadda ku dhaqaaq, laakiin haddii uu yahay ganacsi u baahan shaqaallo waxaad ku qasbanatahay inaad keensato shaqaalle. Markii aad keensanayso shaqaallo waxaad u baahantahay inaad dhinacyo badan ka fakirto sidda canshuur qaadista iyo mishaarka.
Si aad ugu fogaato ganacsi lacag badan ku baxayso waxad u baahantahay inaad bedesho qaabka aad wax u qabani lahayd adigoo dhinacyo badan ka eegaayo fulinta fikrada ganacsigaada, waxaana loo yaqanaa “Business Model” waa qaabka loo ganacsado oo wax laga bedelaayo. Marwalbo ogaaw waxaa wanaagsan inaad wax badan ka bedeli karto qaababka loo ganacsadi maanta.
Waxaad in badan ka maqashaa arday jaamacadaha iskuulada iyo meelaha kale oo bulshada iyo guud ahaan asxaabta inay leeyihiin waxaan jeclahay inaan ganacsi bilaabo oo waxaad hayaa fikrad balse ma haayo lacagtii lagu bilaabi lahaa. Waxaan maanta isku dayayaa inaan arintaas xal u helo maanta. Waad bilaabi kartaa ee orad hadda bilaaw inaad sameysato ganacsi.
Haddii aadan haysanin lacag aad ku bilaawdo ganacsi maanta waad bilaabi kartaa adigoo raacayaa qodobadaan ama tixdaan:
- Marka horre sameyso kaar bangi: gudaha Soomaaliya waqtiyadaan dambe waxaa soo baxay bangiyo badan oo laga aas-aasay gudaha dalka. Bangiyadaan ayaa ah kuwa siiyay fursado badan qaasatan ardayda jaamacadaha iyo ganacsatada dalka. Haddii aad sameysato kaarka bangiga waxaad leeyahay goob ay lacag kugu soo dhici karto ama aan ku xaraysani karto.
- Qor fikrada ganacsigaada: marwalbo noqo qof caalami/xrifadeed “professional” shaqsiga xirfadeed waa shaqsi marwalbo xariirkiisa yahay qoris. Wuxuu bulshada kula xariiraa inuu wax qoro mana ahan shaqsi hadal badan. Inaad qorto fikrada ganacsigaada waxay kaa saacideysaa inaad usoo bandhigi karto asxaabtaada, maalgashatada, laamaha dawlada oo ku shaqada leh arrimaha ganacsiga iyo dhaqaalaha. Haddii aad dadkaan usoo bandhigto waxaa macquul ah inaad hesho ama lagu deymiyo lacagtii aad ku bilaabi lahayd ganacsigaas. Waana fikrad aad u wanaagsan inaad qeexi karto ganacsigaada iyo sidda aad wax u wadi doonto haddii lacag lagu daymiyo.
- Sameeyso ganacsiga qadamaadka leh, uma baahnid marka hore inaad sameysato ganacsi wax soo saaro maxaa yeelay waxaa ku sugaayo inaad dib u celiso daymaha aad soo qaadatay.
- Baro sidda loo qorsheeyo maaliyada ganacsigada: qaado koorsooyinka ka hadlaayo qaabka aad u maamuli karto maaliyadda ganacsiga iyo xisaabinta.
- Haka tagin oo haka caajisin ganacsiga aad bilawday, ganacsatada Soomaaliyeed cudurka haysto waxaa ka mid ah inay bilaabaan ganacsi hadana ay ka tagaan markii dambana. Dulqaad badan ayuu u baahanyahay ganacsiga. Haddii aad heli weyso macaamiil isweydii sawabta, laakiin wey dhacdaa in ganacsigaada marmarka qaar qabsato macaamiil la’aan hana fududaanin oo isbedelka badan ka dhaaf ganacsiga.
15 Fikrado Ganacsi oo Lacag La’aan Ah: Waxaa wanaagsan inaad in badan raadiso waxaad rabto inaad ka ganacsato, maxaa yeelay marwalbo oo aad ogaato baahida loo qabi karo ganacsiga aad rabto inaad bilawdo waxay kuu sahlayso inaad in badan ku guulaysato ganacsiga, haddii aad noqoto shaqsi ay la soo deristo guulo badan waxaa ku jeclaado bulshada adiga kugu heeraarsan.
Fursadaha ganacsi ee lacag la’aanta ah iyo kuwa qiimaha yar ee aad bilaabi karto maanta waxaa ka mid ah:
- Qof guri ka kirayso “rent house” oo ku raadi qiimo jaban kadibna adiga sii kirayso oo kasii ganacso.
- Haddii aad jeceshahay inaad wax qorto, sameyso website yar oo aad ku soo bandhigto fikradaha ganacsi ee aad hayso si lagaaga iibsado adigoo Lock saaraayo si qofkii rabo aad ugu iibiso fikradaha aad hayso. Waxaad kale websiteka ku sheegi kartaa inaad tahay lataliye ganacsi, si aad ganacsatada ugu caawisid ganacsigooda.
- Waxaa jiro website-yo badan oo bixiyo buugaag badan oo lacag la’aan ah, kasoo qaado buugaagtaas kadibna ka iibi dadka kale ee u baahan buugaagtaas. Maalmahaan dambe waxaa sii kordhaayo tirada ardayda Soomaaliyeed, waxayna ardayda inta badan raadiyaan buugaagta kuwa ugu dambeeyay “last edition” dabcan dadkeena waxay aad u jecelyihiin waxyaabaha cusub. Ka faa’ideyso waa fursad qaali ah.
- Haddii aad tahay shaqsi jecel inuu dadka wax baro, waxaa jiro caruur badan oo u baahan in guriga wax loogu dhigo iskuulka kadib, waxaa kale jira arday dugsiga sarre dhigto oo maraayo sanadka ugu dambeeyay, kuwaasoo u baahan inay aadaan jaamacad sanadka soo socda waxaad ka saacidi kartaa cashirada xisaabta, sayniska, kimistiriga, ingariiska iwm. Uma baahnid inaad meel furato oo aad kiro bixiso, waxaad ugu tagaysaa guryahooda mise adigaba wey kuu imaani karaan oo gurigaada ayaad wax ugu dhigaysaa. Haddii lagu arko inaad hawshaas qabanayso waxaa suurta gal ah in iskuulada qaar kusoo raadsadaan si ay kaaga dhigtaan macalin wax bara ardayda. Dabcan sidda aan wada ogsoonahay dalka waxaa ka jira baahi loo qabo macalinimada, qaasan kuwa guryaha caruurta ku caawiya.
- Haddii aad jeceshahay ama xiisayso ama aad taqaano sidda loo sameeyo doolshada “cake” iyo macmaanka “sweets” sameyso bogga Facebook Like adigoo ku casuumaayo “invite” asxaabta deegaanka aad joogto si laguu ogaado inaad haysato qadamaad yar. Waxaa kale aad la xariiri kartaa ganacsiga yaryar ee ku shaqada leh inay sameeyaan aroosyada iyo kuwa Qurxinta dumarka. Waxaad u sheegi kartaa inaad hayso qadamaad. Waxaadna la geli kartaa heshiis, heshiiskaas oo ah haddii ay kuu keenaan qof ama ka badan waxay kugu leeyihiin qofkiiba 5% “boqolkiiba” halkaasna waxaa ugu sugan faa’ido waxayna u tahay dhiiro gelin.
- Waxaad noqoni kartaa joornaalista xog ah “freelance” waxaa jiro ganacsato u baahan in loo qoro warbixinta sanadlaha ah, haddii aad aqqoon duruqsan u leedahay siyaasadda iyo diblomaasiyada waxaad sameyni kartaa inaad sameysato website oo aad ku bixini karto koorsooyin si lagaaga iibsado aqqoontaada, waxaad kale oo aad qori kartaa dhibaatooyinka haysata siyaasiyiinta iyo sidda ay ugu gudbi karaan. Waana shaqo galabkii illaa habeenkii aad ka shaqeyni karto shaqadaada caadiga kadib.
- Haddii aad aqqoon u leedahay sidda wax loo qurxiyo “design” waxaa jiro website-yo badan oo u baahan arintaan in loo qabto. Waxaad la xariir kartaa website-yada u baahan hawshaan adigoo u sheegaayo aqqoonta aad u leedahay hawshaan iyo sidda aad ugu guulaysani karto.
- Waxaa jiro dad badan oo aad u mashquulsan oo u baahan in loo nadiifiyo guryahooda, waxaad sameysani kartaa telefoono iyo email lagaaga soo xariiri karo si marwalbo oo loo baahanyahay shaqo lagulla soo xariirikaro.
- Haddii aadan waxbo u arkin haynta caruurta waxaad gurigaada dhexdiisa ka sameysani kartaa qol aad ku hayso caruurta iyo waxyaabaha ay ku ciyaari lahayeen. Adiga ayaa qiimaha afkaada ka sheeganaysid markii aad haynayso caruurta, laakiin qiimaha waa inoo noqdaa qiimo macquul ah. Dad badan ayaa jiro oo shaqo ku mashquulsan oo raadinaayo wax u haayo caruurta. Waa fursad qaali ah oo aad ku heli karto ceesh xalaal ah. Ogaaw Soomaali waxay ku maah-maahdaa “shaqaa sharaf leh shaxaadaa ceeb leh”
- Waxaad noqoni kartaa qorsheeyaha qurxinta guryaha, qaabka loo qurxini karo guryaha sidda halka la dhigaayo miisaska iyo kuraasta, TV-yada, sidda uu ku qurxoonyahay iyo halka uu ku qurxoonyahay fadhiga guriga, xafiisyada. Shaqadaan waxaa u baahan Guryaha, xafiisyada, shirkadaha ganacsi iwm.
- Haddii aad ku fiicantahay ama aad u leedahay aqqoon sameynta faraantiyaasha qalinka, katiinadaha. Waxaa jiro fursado badan, dad badan ayaana u baahan inay iibsadaan allaabaha qalinka. Waxaad kale oo aad heli kartaa inaad dhoofiso qalinka.
- Haddii aad taqaano sidda loo isticmaallo harqaanka. Waxaad ku shaqeysani kartaa harqaan adigoo aan meel kiraysanin. Gurigaada dhexdiisa ka sameyso meel yar oo ku deeqda kadibna dadka xaafadda u tol dharka, diracyada, dharka suutka “suit” iyo canbuuraha. Waxaa jiro baahi loo qabo dharka suutka maalmahaan dambe. Maxaa yeelay bulshada aad ayay u xayaysiiyaan dharka suutka qaasatan arday dhammaysay jaamacadaha, siyaasiinta iyo ganacsatada. Dhanka dumarka waxaa baahi loo qabaa sameynta diraca loo yaqaano bacweyn iyo kuwa kale oo casri ah oo ay aad u jecelyihiin dumarka maalmahaan dambe.
- Haddii aad taqaano qaabka loo qurxiyo website-yada waxaa jiro websiteyo badan oo u baahan in wax loo qurxiyo. Adigoo gurigaada joogo ayaad raadini kartaa macaamil. Waxaad marka horre raadini kartaa website-yada u baahan in shaqadaas loo qabto, kadibna raadi emailadooda iyo teleefoonadooda. Waxaad kali oo aad u baahantahay kombuyuuter “computer”, internet, iyo barnaamijka sofwere-ka aad ku qabani lahayd hawshaas. Kadibna la imaaw qaabka aad wax ugu dhaadhicini lahayd website-yadaas.
- Maalmahaan dambe waxaa sii kordhaayo baahida loo qabo qorsheynta aroosyada “wedding planning” raga maalmahaan dambe waa lagu qaaliyay guurka. Waxaana soo baxday fursado ah in lamaanaha iscalmaday ay jecelyihiin inay helaan goob aad u sareyso oo soo jiidasho leh. Qorsheynta aroosyada ayaa baahi weyn loo qabaa waxa ka faa’ideystana wey yaryihiin.
- Waxaa jiro ganacsato u baahan in laga caawiyo ganacsigooda oo iibini waayay allaabtooda. Aad ayay muhiim u tahay inaad raadiso ganacsatadaas si aad ugu soo qaado allaabtooda qaar kadibna aad adiga iibiso. Waxaad la geli kartaa heshiis oo ah shey walbo oo aan kusoo iibiyo meeqo ayaan ku leeyahay? Boqolkiiba 15%, 5% haddii aad ku leedahay ama 10% waa qorsho aad u wanaagsan. Ganacsatada waxay inta badan allaabaha ka keenaan dalka dibidiisa kadibna waxay u baahanyihiin qaabka dadka loogu dhaadhicini lahaa. Adiga waxaad u noqoni kartaa iibiyaha allaabta “salesperson” waxaad ku iibini kartaa gurigaada ama allaabta oo halkeeda taallo ayaad qofkii iibsani lahaa markaad soo hesho ayaad geynaysaa halkii ay taallay. Allaabaha noocaan oo kale waxaa ka mid ah makiinadaha, gawaaridda, mobilada iyo guryaha.
Waxaan qoraalkeyga kusoo koobayaa ganacsatada waxy sharaf weyn ku leeyihiin bulshada, waa haddii ay yihiin kuwa daryeello diintooda, dalkooda iyo dadkooda.
Qofka ganacsadaha ah waxaa loogu baahanyahay inuu noqdo shaqsi aad u qadariga naftiisa iskuna kalsoon inuu qabani karo hiigsiga ganacsigiisa.
Ganacsiga wuxuu kobciyaa dhaqaalaha dalka. Haddii la helo ganacsato badan oo ku nool dalka gudigiisa waxaa kobci karo dhaqaalaha bulshada iyo guud ahaan dhaqaalaha dalka.
Ganacsiga marwalbo wuxuu kaaga baahanyahay oo kali waa inaad la timaado aragti cusub iyo qaab wanaagsan oo aad wax u wadi karto wali adigoo fiirinaayo waxyaabaha aad kaga duwanaani karto shirkadaha kale afka ingariiska waxaa loo yaqanaa “business model”. Markale dib u fiiri qaabka aad adiga u ganacsato, maxayse kaaga duwanyihini ganacsatada kale
0 Comments