"Horumarinta nafta waa habka ugu weyn ee waqtiga ilaaliya,mar weliba aad nafsadaada horumariso waa marweliba ay waqti yar kugu qaato gaarista yoolkaaga."
~Brian tracy.
Horumarinta nafta waxay ku lugleedahay aqbilaadda masuuliyadda noloshaada iyo inaad u kuurgasho ficiladda-ogaal ee horumarinaya noloshaada.
Horumarinta qofeed ma ahan farsamo ama aalad loo adeegsada in wax lagu hagaajiyo ee waa hab nolol oo joogta ah.
Horumarinta nafta waa hannaan iyo geedi nololeed soconaya ma ahan keliya wadada aad ku xalin lahayd dhibaatooyinka kaa haysta noloshaada ee sidoo kale waa wadada koriimadaada,waa wadada aad ku heli lahayd nolol saraysa,waa wadada nafsadaada aad kaga dhigi lahayd mid waaqica iyo wadcigaba la socota.
Horumarinta nafta waa ay qaabab badantahay. Waxa ay noqon kartaa waxbaridda naftaada si aad u horumariso aqoontaada.
Waxa ay noqon kartaa in aad hore u kacdo oo aad wajahdo waxyaabaha ku cabsi geliya si aad sare ugu qaado kartidaada.
Horumarinta nafta waxa kamid ah waxbqadyada kuwaas oo horumariya iska warqabka qofka iyo aqoonsigiisa(identity),kobciya kartida iyo tayada qofka,sare u qaada tayada nolosha iyo ka qeybqaadashada gaarista riyooyinka iyo hiigsiga qofka.
Fursadaha waa mareegto si toos ah u abaarto nolosha, dadaal iyo filasho rajo ku saleysan baa lagu helaa. Qaabeynta nafta waa udub-dhaxaadka fursadaha aad kala kulanto nolosha. Milicso naftaada oo su'aalo weydii, maxaa fursad u ah horumarka noloshaada? Ardayda usoo kicitameysa heerka jaamacadda waxaa shardi ku ah inay darsaan ama ay qaabeeyaan heerka naftooda. Mudnaanta iyo baarista ugu horeysa waxaa ah qaabeynta nafta iyo isla xisaabtankeeda.
Nafta aadamaha waxaa bandhig u ah walax kasta oo dareen gooni ah uhayo, walaxdaasi laba umuuroodba waa lagu arkaa. Umuurahaasi kuwa si toos ah loo qasdo, iyo kuwa aan si toos ah loo qasdin intaba waa lagu arki nolosha. Sheegashada bini'aadannimada kaliya ma'aha, qaab dhismeedka lab iyo dheddig; balse waxaa asal ahaan aytahayba in qofka uu la falgalo macluumaad kasta oo noloshiisa ku qurxin karo inuu sameeyo.
Abaarowga is darsidda shaqsiyadeed ee lagu arko ardayga heerka jaamacadeed, waxaa kow ka ah inuusan tanaasul usameyn karin daruufihiisa ugaarka ah. sidoo kale inuusan baadi-goob ugali karin caalamka fikirka iyo mandiqadda aqriska. Sidoo kale ardayga wuxuusan odoroosi karin waxa uu baranayo. Hagaag, arrinka dhaleecayn ma taagna kaliya iftiimin lagu laray isbadal wacyi baan dooneynaa. Halbeegga ardayga waxaa kordhin kara inuu hab-dhismeedkiisa garaad hormariyo. Qaabkee buu ku hormarin karaa? Waa su'aal feejignaan iyo xeerarba usugnaatay. Inta badan aqoonyahanada horumarinta aadanaha ku foogan waxay ablaableyaan tayada qofka iyo farxaddiisa nolol. Tayada qofkana waa mucda iyo tiirka shaqsiga hab-dhaqanka uu la hor imaanayo bulshadiisa.
Faa'idooyinka laga helo harumarinta nafta
Horumarinta nafta waxaa laga helaa qaab-dhismeed kaas oo qofka ka dhigaya in uu caddeeyo halka uu ka xooganyahay iyp halka uu ka daciifsanyahay,sidoo kalena waxa ay ku hagtaa qofka in uu ka faaidaysto awoodihi iyo xirfadihii uu hore u lahaa.
Faaidooyinka laga helo horumarinta nafta waxaa ka mid ah ;
1- waxa ay qofka fursad usiisa in uu ahaado mid iska warqaba; iska warqabku waa tilaabada ugu horeysa ee horumarinta nafta waxa ayna keenta qofka in uu si dhab ah u ogaado cida uu yahay,qiimihiisa qofeed,waxyaabah uu aaminsanyahay iyo weliba waxyaabaha u doonayo in uu gaaro.
2- Waxa ay qofka siisaa cadeen dhab ah oo ku saabsan yoolkiisa; waxa ay qofka ka caawinaysaa in uu ogaado yoolka iyo hiigsigiisa nolosha taas oo u fududeeneyso in uu samaysto qorshe uu ku gaarayo hadafyadiisa.
3- Waxa ay soofeysaa(horumarisaa) xirfadihii qofka uu hore u lahaa; waxa ay qofka ka dhigtaa mid ka faaidaysta tagtadiisa hore kana qaata qibrad aad u saraysa si uusan ugu dagmin timaadada.
4- waxa ay qofka siisaa karti uu ku helo dhiirigelin iyo qanacsanaan buuxda; marka aad ogtahay wax aad rabto in aad hiigsato,waxaa fudud in aad ogaato faaidada aad ka heleyso waxaas aad samaynayso. Xitaa haddii aadan shaqada aad qabanyso aadan u riyaaqin,haddii aad ka heleyso faaido dhab ah waxa aad noqonaysaa mid ku dhiiran in aad qabato howshaas muhiimka ah.
5- waxa ay qofka ka horumarisaa in uu wanaagsanaado xiriirka dadka kale lala dhaxeeya ; xiriiradu waa seef laba afle ah ama hoos ayay kuu dhigaan ama kor ayay kuu qaadaan. Marka aad horumariso shaqsiyadaada waxa aad awood u leedahay in aas garato xiriiradee qiimo weyn kugu fadhiya oo lagaa doonayaa inaad horumariso iyo kuwa aad u baahantaahy gebi ahaanba in aad iska joojiso.
Muhiimadda ay leedahay is-hormarinta
Ugu horeyn, wax kasta isbadal dabiici ah ayaa ku dhacaya, walax meesheeda taagnaaneysa majirto sida uu kownka uguurayo ayey walaxduna uguureysaa. Waxaase muhiim ah in loo nuglahaado macluumaadyada iyo xirfadaha dheeriga ee nolosha iyo suuqyadeeda loogu xamaasho. Ardayda waxbarashada ku jirta waxaa muhiim u ah inay kordhiyaan xirfadahooda aqoon iyo mid shaqsi si ay ukaxeeyaan tareenka nolosha.
Ardayda: Waxaa asaas u ah inay la jaanqaadaan adduunkan uu xurguftankiisa isbadal socdo, ayna fahmaan hannaankii ay ula falgali lahaayeen.
Ardayahay: Silsalad weeye nolosha iyo sunnankeeda, waxaa ka dillaaca nolosha qilaaf, waxaa daba yaala xal. Sidoo kale waxaa oogada casrigan idinkaga muuqda iyo macluumaadyada aad aragtaan waxay dood usidaan furaha aqoonta iyo ilbaxnimada. Macluumaadka ayaa ka xawaaro iyo ka saameyn badan, waxyaalaha sheedda inoogu muuqda oo inta badan aan la macaamilno. Hase yeeshee, waxaa dowrka iyo tubta tusaalaha ardayga uu ku kordhin karaa habkii uu ugu kuurgali lahaa isdiidooyinka iyo isu imaatinka ku saabsan horumarinta naftiisa.
-Isdiidooyinka waxaa ah in ruuxa uu garan waayo sababta uu unool yahay. ardayahay waxaan tanaasul laga heleyn waa in aad is aqoon weydo, fahmina weydo mandiqadda aad ka taagan tahay nolosha, Fahmina weydo hadafyada aad ka leedahay noloshaada.
-Isu imaatinka ( ogolaanshiyaha) qofka inta uu nool yahay waxaa hareertiisa dhex imaanaya dhacdooyin jeero uu uwaayo xalal fikir iyo mid sahminba. Si juujuubna uma qasdi karo dhacdadaas, oo waxaa lama huraan u ah inuu fisho ama uu hormariyo xeerarka (conflict) qilaafka. Ogolaanshaha waxaa loo tiirin karaa in la rumeeyo ama caado laga dhigto shil kasta oo qofka dhiniciisa ka dhaca inuu xal uheli oo mowqif ka gaari karo. Ardayda badankoodu waxay ka soo toosaan guryahooda oo dhaca deegaan ama goob bulshadeed. Goobahaas waxaa ka dhici karo khilaafyo hor leh, waxaa asal ah marka uu ruuxa yahay (academic) waa in uu tillaab cad ka sameeyaa mowjadahan (Qilaafka) hirrarka sita uuna ka guul gaaraa habkii uu uxalin lahaa. Ogow, qofka way anfaceysaa inuu barto xalinta khilaafyada oo khilaafka meel kasta wuu ka jiraa sina ugaro; khilaafka waa sunno kowni ah oo waa loo qasday nolosha inay kuf iyo kac ku koobnaato oo aan walax seddexaad loo helin.
Tiirarka eey ku taagan tahay Is-hormarinta
1:Raadinta cidda aatahay
"Qof kastaa waa in uu raadiyo cidda uu yahay, laakiin yaanu raadin cidda ay fiicnaan lahayd in uu noqdo". Albert Einstein
Ugu horeyn raadinta cidda aatahay ayaa mudnaanta iyo shardiga ugu weyn leh. Qofka bini'aadan ka inuu isaga is darso oo isku mashquuliyo shaqsiga uu yahay iyo halka uu ka wajihi karo nolosha iyana waa nisbo kamid ah is ogaansho qofeed.
Waa in aad istaqaano oo aad taqaanid qofka aatahay? waa in aad is weydiisaa kumaa tahay? Maxeyse tahay awoodaada iyo xirfadda aad leedahay? Hadii aadan su’aalahaas jawaab rasmi ah u helin, waxaa kugu adkaan doonta inaad Is-hormariso. Ardayga bartaha, oo ubadheedhay hillinka wax-barashada waa inuu gowracaa garaadkiisa oo aadna usifeeyaa ceyriinka dhex tuban maankiisa si duulimaad hufan oo garowshiyo ku xeendaabsan ula yimaadaa qofnimadiisa.
2: Ardayahow waa in ay kuu cadahay wax aad ka damacsan tahay noloshaada.
Ardayahow qodobkan waxaa loola jeedaa; qofku waa in uu leeyahay qoraal cad oo cadeynaya hadafka uu leeyahay kuwo dhow (Short term goals) iyo kuwo fogba (Long term goals). Hadafyada fogi waa kuwa lagu higsado gaaritankooda mudo ka badan sanad sida in uu qaato degree jaamacadeed iwm. Hadafyada dhawi waa kuwa lagu higsado gaaritaankooda mudo sand ama ka yar ah,waxeeyna u adeegaan sidii lagu gaari lahaa hadafyada fog sida barasho luuqadeed iwm. Taasi macnaheedu waa in qofku leeyahay meel uu ka duulayo, ogyahayna meesha uu u socdo, laakiin hadii uusan ogeyn meesha uu u socdo iyo meesha uu hada joogo waxaa cad in uu ku fashilmayo is-hormarintiisa.
3: Wax akhriska iyo kobaca ardayga
Wax akhriska waa sahmin, sahankaas wuxuu sitaa yool iyo jiho. Wax akhriska waa mudnaan itaalka garaadka lagu kordhiyo, xeesha laga dheefaana waa unoolaanshiyaha si dabiici ah. Wax akhriska waa heegan aad ka gali karto xogaha falaadka ah ee ay soo daayaan dheecaanada dadka kale. In xeerarka akhriska aad toobiyaheeda fuusho waa guul, waxaase ka guul weyn in aad ku laasinta waaqicaaga. Akhriska waa raaxo, farxad iyo ogaal garaad.
Adeegsiga garaadka bisleysan waxaa ay suurtoowi kartaa marka aad abaabul ugasho sunnanka akhriska. Akhriska wuxuu kaa meydhayaa xodxodasho kasta oo garaadkaaga sameyn karo, wuxuu kuu furayaa tub xasilnaan ah iyo ufikirka si maan furan. Maan furka waa riwaayad culus oo ay adag tahay in ruux kastaahi uu qeyb ka ahaado. Waxaase ka qeyb ahaan karo qofka rajo iyo xirfad ka dhigta akhriska itaalka leh.
Ardayda ubadheedhay xeerka jaamacadda, waxaa lama huraan u ah inay duuduubaan garaadkooda aqoon, ayna laban-laabaan akhrinta. Akhrin ay ka madhan tahay jiho maskax shiilnimo, waa akhrin daal iyo dayac garaad uu liqay. Ardayda, waa inay lafaqaan darsiga ay soo qaataan oo ay qaabeyn jadwal ah usameystaan.
Ahmiyadda akhriska
Ardaygu ma’aha weel ay tahay in la buuxiyo, balse waa iftiin ay tahay in la shidayo. Albert Einstein
Horumarinta akhriska iyo qoraalka waa wax aad muhiim ugu ah nolosha. Xilligan aan hadda ku noolnahay oo loogu yeero “casriga aqoonta” ama waxa afka qalaad lagu yiraahdo “ınformation age” ayaa wuxuu lagama maarmaan ka dhigayaa in qofku kobciyo xirfaddiisa akhrinta iyo qoraalka si uu ula jaanqaado mawjadaha xogta ee dhinac walba kaga imaanaya.
Ahmiyadda ay akhrintu leedahay iyo guud ahaan aqoontaba, waxaa inoo muujinaya aayaddii ugu horraysay ee soo dagata waxay amraysay akhrinta. Markii akhrinta laba jeer lagu celiyey, ayaa haddana waxaa la tilmaamay ahmiyadda aaladda wax lagu qoro ee qallinka uu leeyahay. Abwaan Soomaaliyeed oo ka hadlaaya aqoonta ahmiyadda ay leedahay yaa ku gabyay:
Ragga dunida maamulay cilmay, dayaxa ku gaareene!
4. Ardayahow samee kobac shaqsiyadeed.
Kobcinta shaqsiyadeed marka aynu leenahay waxay koobsaneysaa dhinacyo badan oo ku lifaaqan .
Ugu horeyn ka qaybqaadashada is dhaxgalka bulshada iyo inaad sameyso isku xirka bulshada adigoo u maraya ardayda wax kula barata, waxa ay kaa caawinaysaa inaad ballaariso aragtiyadaada shaqsiyaded iyo in aad hormariso xirfadahaaga wada shaqayn. Guuldareyso, isku day hadana qalad, guusha waad gaari. dib u milicsiga ka warhaynta naftaada waa agab kaa caawin kara inaad sameyso koriin maskaxeed/shaqsiyadeed. Kobaca shaqsiyadeed ardayahow, waxa ay kaa caawinaysaa inaad noqoto mid ka warhaya naftiisa, waxa aad ogaaneysaa ruuxa aad tahay, Qiima aad leedahay iyo ujeedada waxa aad aaminsan tahay. Waxa aad noqonaysaa mid leh jiho u kala cadeynaysa heerka uu doonayo in uu hiigsado iyo in ay u fududaato habka go'aan qaadashadiisa. Waxa aad ahaaneysaa mid ay wax waliba u kala cad yihiin. hadii aad tahay ardayahow mid leh jiho cayiman, hadana waxaa ku soo wajahi kara shaqooyin aad u kala duwan oo la rabo inaad u yeelato dareen dhow. shaqsiyadaada oo kobac ku yimaada, waxay kuu cadeynaysaa inaad howlahaaga u sameyso sida ay u kala horeeyaan. Hadii Shaqsiyadaada kobac samayso waxa aad u adkaysaneysaa waqtiyada adag ee ku soo wajaha, waxa aad yeelanaysaa ardyahow kalsooni iyo adkaysi xad leh.
5.Dhisidda xiriirka kaala dhaxeeya ardayda aad wax isla barataan
Xariirka waa mid aad u muhiim ah marka aad doonayso in aad ahaato mid guuleysta oo noloshiisa farxad ku qaata. Dhisidda xiriirka kaala dhaxeeya bahwadaagtaada tacliin, waa mid ka duwan kana muuqaal wanaagsan xiriirada kale. Sababtoo ah billowga mashruuca la doonayo in la fuliyo waxa uu ka muhiimsan yahay mid shaqadiisa goor hore tisqaaday.
Ardaynimadu waa marxalad billow ah oo shaqsiga la doonayo uu lahaado xiriiro kala duwan, si uu u kasbado xog ka caawinaysa in uu ahaado mid qibrad u leh nolosha dhinacyadeeda kala duwan . Aad bay muhiim u tahay in aad ka mid ahaato shabakad ay ku kulmaan arday iyo aqoonyahano, waana xagasha kaa caawinaysa in aad kasbato tacliin wajiyo kala duwan leh.
Dhismaha xiriir aad la yeelato dadka kale waa muhiim, sababtoo ah mid ka mid ah dadkaas ayaa suurtagal ah in uu noloshaada isbadal ku sameeyo.
6. Baro inaad ahaato mid wax hogaamin kara
Goobtaada waxbarasho ee jaamacadda waa halka aad ku baran karto tayada xirfadda hogaaminta. Tayada hogaamineed waxaad ku baran kartaa adigoo sameeyo ficilo lagu diirsado haba ugu horeeyso hogaaminta fasalka aad wax ku barato. Inaad isku daydo hogaaminta goobtaada wax barasho, waxa ay kaa caawinaysaa inaad barato dabeecadaha kala duwan ee aadmiga.
Si aad ugu guuleysato ardayahow shaqsi ahaan iyo xirfad ahaanba dadaalkaaga waa in aad barataa" xirfadda jilicsan" sida xalinta qilaafaadka, hadii adiga iyo arday aad is qilaaftaan waa in aad isku daydaa ugu horreyn in aad dajiso oo aad fahamsiiso dariiqa habboon oo xalka idiin ah labadiina. waa in aad naftaada ka soo qaadaa in aad tahay, hogaamiye inuu wax dhiso ah oo aan dumin. Sidoo kale xirfadda jilicsan, waxaa ka mid ah iskaashiga, in aad naftaada barto howl wadareed waa xirfad aad u muhiimsan oo noloshaada ardaynimo iyo hab-nololeedkaada ah ku anfacaysa. Waa xirfad kuu siyaadinaysa dabeecsd wanaag iyo adkaysiga badan.
Howl wadareedka (collaboration) waxa ay aasaas u tahay in aad ku tabbabarato koox dad ah oo mid waliba shaqada si gaar ah u sameynaya, kala duwananta sida shaqadaas ay u sameynayaan ardaydu waa aqoon aad kororsaneyso adiga. Hadalka iyo xiriirka qoraalada waa mid ka mid ah xirfadaha jilicsan. Marka tijaabo aqlaaqeed la saarayo ardayga, ugu horreyn waxaa la dhageystaa sida uu u hadlayo iyo hadalada uu adeegsanayo. Ardayga in uu barto hadalka daraftiisa samaanta huwan aad bay muhiim ugu tahay. Kuwada xiriirka qoraalada gacanta waa xirfad la doonayo in uu barto ardayga, sababtoo ah waa nidaam la raaco mar kastaa oo aad tahay ruux la shaqaynaya koox dad ah. Adeegsiga xiriirka qoraalada waxa ay suurta galinaysaa in waqti yar ay kaa qaadato xiriirka aad la leedahay kooxdaada. Xirfadaha jilicsan gabi ahaanba waa kuu muhiim ardayahow.
Waxaan idin sheegeynaa ardayahay "Xirfadihiina farsamo waxa ay idinka caawinayaan inaad shaqo heshaan, laakiin xirfadaha jilicsan baa ah kuwa idinka caawin doona inaad shaqadiina kusii waartaan" ~author and instructor Beverly Amer notes.
—Ardayahow garo shaxda Loo yaqaano (SWOT analysis) iyo sida hab nololeedkaaga sawir ugu tahay.
Ardayahow ugu horreyn waa in aad ogaataa halka aad ku wanaagsan tahay (Strengths). inaad ogaato dabiici ahaan meelaha aad ku wanaagsan tahay ama ku xooggan tahay shaqsi ahaan waa qodob aad u muhiim ah. Qofka dhinaca uu ku wanaagsan yahay waa haybada uu kaga duwan yahay dadka kale, oo eebbe sarreeye ayaa qof waliba u abuuray kala duwanaansho (unique). In uu ardayga ka faa'ideysto meelaha uu ku xooggan yahay aad bay muhiim u tahay. Tusaale dhig; haddii aad tahay arday ku wacan maadada (Taarikhda) waa inaad hormarisaa baarista taariikhaha dunida soo maray oo aad u yeeshaa micno aad u wayn bal si aad naftaada uga dhaadhiciso inaad tahay ruux leh baaris qoto-dheer, maadadaasna looga haray.
Qodobka labaad (Weaknesses), ardayahow waa in aad garataa meelaha aad ku liidato . Qiimayn ku sameey ficilada aad maalin laha u qabato, isku day inaad kala shaadhayn ku samayso xaglaha taban iyo kuwo togan ee aad leedahay. Halkee baan ka dheelin? Waa su'aal kuu horseedi karta inaad noqoto mid noloshiisa ka adag oo aan laga adkaan, mar kastaahina daganaan ku qaata waqtigiisa. sababtoo ah ma aha ruux jahwarersan oo wuu ogaal ogyahay meelaha uu ka dheelinayo.
Nolosha sideedaba ma aha hadiyad loo koryeelay samaanta oo kaliya, qofkuna ma aha mid fiicnaan oo kaliya loo shaandheeyay laakiin lurka iyo tabnaantu daris bay la yihiin.
Qodobka sadaxaad (Opportunity), Ardayahow, waxa aad heystaa fursado badan oo aad noloshaada isbadal kaga sameyn karto. waxa aad heystaa fursado ah inaad barato cilmi kasta oo aad doonayso in aad ku taqasusto xirfadaha la xiriira. sidoo kale luqadaha markaas manhajka aad wax ku baranayso quseeyo wadna ka faa'ideysan kartaa fursad kasta aad kobcin ku sameyn karto. Waxaan la hadlayaa waa ardayda soomaaliyeed, Waxaa jirta baahi ah in sidii loo baahnaa aysan u jirin dugsiyo lagu barto xirfadaha ka hor ardayga inta uusan xaadirin jaamacad, lana doonayo in uu soo barto xitaa hal xirfad uu ku kaabi karo waxa uu soo bartay. Laakiin, waxaad sameyn kartaan isku tashi iyo naf waliba iyada ayaa is hor marisa.
Qodobka afaraad (Threats),caqabadaha waa kuwo mar waliba soo laalaabta haddii aan xal loo helin. Caqabad marka la qeexayo waxaa lagu tilmaamaa in ay tahay inaad dhibaato la kulanto. Ardayga billaabaya darajada heerka jaamacadeed, waa kan ugu nugul, dhibaato iyo jahwareer badan uu kala kulmo marxaladaas ugu horeysa hadii uu marka horeba u diyaarsanayn nidaam jaamacadeed (Academic). Caqabaduhu waxa ay ardayga caqliga tolmoon lihi baraan, wadada guusha oo waxa uu garanayaa meelaha dhibta kaga iyo imaan karta, qibrad ayuuna ka siyaadsadaa. Si uu ardayga uga badbaado caqabadaha ka soo waajihi kara dhanka billowga jaamacada, waa in uu in badan daalacdaa qormooyinka isaga ka caawin kara in uu tab hagaagsan u maro marxaladdiisa billowga jaamacadda. waana in uu marar badan isku dayaa in uu talo iyo qibrad badan ka qaato Articles (maqaalada) iyo dadka ku habboon talo soo jeedinta isaga ka caawin kara oo ku saabsan (pre-university preparation consultant) oo iminkaba casharadeenna taxanaha ay ka mid yihiin
THANKS YOU
0 Comments