Ticker

6/recent/ticker-posts

Ad Code

Responsive Advertisement

Sidee Loogu Hortagaa Caajiska & Wahsiga 12 Qodob

 




Dawada caajiska

Waa maxay Caajisku? 

Caajisku waa awood darro ka timaada maskaxda taas oo qofka ka dhigaysa mid aad u liita oo daal ama culays dareema maskax ahaan iyo jidh ahaanba, sidoo kalena aan awoodin inuu shaqo qabto kana cagajiida. 

Dad badan oo ku kala nool qaarado kala duwan ayuu caajisku ka reebay qayrkood oo uu ka hor istaagay inay gaadhaan guul ama se hadaf yeeshaan.

Qof kasta oo uu caajisku haleelo waa mid rajo beel ku dhaco oo mar walba maskaxdiisa buuq ku furanyahay, cabsi badan iyo murugana hadhaysay.

Dhallinyaradan danbe ee Soomaalidana waa dhibaatada ugu badan ee haysata qayb ka mid ah, kana hor taagan yoolkoodii iyo hadafyadii ay gaadhi lahaayeen.

Maxaa Caajiska keena? 

1: Dib u dhigashada: Hawl kasta oo dib loo dhigaa waa mid keenta in laga caajiso ugu danbaynta oo lagu guul daraysto 

2: Qorshe la'aan: dad badan ayaa waxay ku nool yihiin nolol bilaa qorshe ah, taas oo ka dhigta inaanay dhadhamin macaanka nolosha oo ay noqdaan kuwo caga jiid ah ooaan danayn noloshooda.

3: Yool la'aan: Yool inaad lahaato waxay kaaga baahantahay hawl badan iyo fikir badan inaad galiso; haddii aanad yool lahayn waxa ku fadhiisanaya oo shaqada joojinaya dhammaan qaybaha fikirka ee maskaxda, waxaanad dareemaysaa caajis taas oo keenaysa quus iyo inaad ka rejo dhigto nolosha 

4: Dhiirigalin la'aan: Dhiirigalintu waa shiidaalka ugu wanaagsan ee qof kasta ku shaqeeyo, haddii aanad dhiirigalin haysan waxa kugu badanaysa cabsida oo ma noqon kartid qof dhiiran oo yeelna kara ku dhac nololeed. 

5: Shaqo la'aanta (bilaa camalka): Shaqo la'aantu waa waxyaabaha ugu badan ee qofka ku keenta caajiska iyo cago jiidka, waayo shaqadu waa shayga kaliya ee qofku ku dareemo isku filaansho iyo daganaan maskaxeed. 

Haddii aanad wax camal ah haynin wax walba wuu kugu adkaanayaa ugu danbayntana isku buuq iyo kalsooni daro ayaa kugu dhacaya kugu keeni kara caajis.

6:Kalsooni darro: Kalsoonidu waa awooda uu qof ku qaban karo shaqo kuna hawl gali karo, taas oo u saamaxaysa qofka inuu noqdo mid daganaani ka muuqato mar kasta oo uu hawlgalayo. 

Kalsoonida qofku mar kasta oo ay yaraato waxa ku dhaca cabsi, wahsi iyo habrasho uu habranayo hawlo badan oo uu qaban karo; taas oo ugu danbayn qofka ku keenta caajis aad u badan.

7: Cibaado yari: Qof walba oo muslim ahi hantida ugu qaalisan ee uu haystaa waa Iimaanka, Cibaadaduna waa shayga kaliyaata ee lagu kobciyo Iimaanka; haddii aad yarayso xidhiidhka aad Illaahay la leedahay (SWT) waxa diciifaya Iimaankaga oo inta aad Illaahay u jirto ayuunbay Iimaankaagana awoodiisu leegtahay. Haddii aad yarayso xidhiidhka aad Illaahay la leedahay waxa ku fuulaya caajis badan, walbahaar, isku buuq, cabsi aan la garnayan meel ay ka timid, daganaansho la'aan, diiqad iyo waxyaalo kale oo badan. 

8: Xanuun: haddii uu jidhkaaga ku jiro ama se ku soo jiro xanuun waxa aad dareemi kartaa caajis aad u badan iyo daal xad-dhaaf ah oo maskaxdaada iyo jidhkaagaba saamayn ku yeesha.

9:Xidhiidhka naftaada aad la leedahay oo yaraada: Inaad naftaad xidhiidhkeeda xoojiso oo aad la sheekaysato dareentana cabashadeeda oo aad fahanto waxyaalaha caqabada ku noqon kara iyo waxyaalaha u wanaagsan waxay kuu saamaxaysaa inaad isla jaanqaadi kartaan adiga iyo ruuxdaadu taas oo kuu horseedaysa guul, mar kasta oo uu yaraado ama joogsado xidhiidhka aad la leedahay naftaadu waxaad dareenta xanuuno nafsaani ah sida: ( Shaki badan, isku buuq nafeed, fahan daro adiga iyo naftaada idinka dhex dhacda, kalsooni daro iyo fikir aan jiho lahayn) 

10: Shaqo badan: Mar kasta oo aad hawl adag gasho, waxaad u baahanatahay waqti nasasho ah oo kugu filan; haddii aanad qaadan nashana waxa hubaal ah inaad dareemi doonto daal maskaxeed iyo mid jidheedba; kaas oo ugu danbayn keena caajis badan. 

11: Balwadaha Xun: Balwadaha aan wanaagsanayn waxay qofka ku dhaliyaan caadooyin aan la mahadin, qofkana ku keena dib u dhacsanaan iyo nolol duli iyo damiir xumo ah.

Talaabooyinka lagu yaran karo ama se lagu joojin karo caajiska:

1: Xidhiidhka Alle xooji: Xidhiidhka ugu qaalisan ee qof Aadame ahi sameeyo waa ka uu la sameeyo Cidii Abuurtay oo Illaahay ah (SWT) mar kasta oo xidhiidhka aad Illaahay la leedahay wanaagsanaado, waxa qurux badnaata oo wanaagsanaata noloshaada oo same iyo badhaadheba noqota. waxaanad dareemi kartaa daganaansho nafeed iyo badhaadhe nololeed. 

2:Ka faa’idayso waqtigaaga: Qof walba oo Aduunka ku nool Illaahay waxa uu siiyay 24 saacadood; dadka guusha gaadhayna maaha kuwo ka waqti badan dadka kale ee dhigooda ah, ee waa kuwo si fiican u mareeyey ugana faa'iideeyey waqtigaas kooban ee haysataan. 

Qofba qofka uu waqtigiisa ka maarayn ogyahay, ayuu ka soo wax soo saar badanyahay kana talaabo horeeyaa; dhibaatada iyo dib u dhaca ugu wayn ee Ummad ama shaqsi ku yimaadaa waxa uu kaga yimaada maarayn la'aanta waqtiga. maaree waqtigaaga si aad u meel martid.

3 : Kala jajabi hawlahaaga: hawl kasta oo aad qabanayso u kala jajabi qaybo yaryar, waxa la ogaaday mar kasta oo lakala qaybiyo hawsha la qabanayo in si fiican loo qaban ogyahay loogana faa'iidayn ogyahay; sababto ah haddii aad hawl mar qudha isku daydo inaad qabato ama aad dhamayso waxa kugu imanaya culays kaa hor joogsanaya inaad dhamaystirto. waxaana mar kasta muhiim ah inaad waqti siiso hawshaad qabanayso oo aad joogtsaydo waxyarna aad qabatide. 

4: Dhiirigalin: Qofba qofka uu ka dhiiranyahay waa uu ka guulo badanyahay kana horeeya, dhiirigalintu waa kaabaha, kaalin galiyaha iyo kobciyaha maanka iyo maskaxda ruux walba, ka ag dhawoow mar walba dadka dhiiran ee ku dhaca nololeed leh niyadana kuu dhisa; kuna tusa awoodaada shaqsiyeed, akhri qisooyinka dadka horumarka gaadhay iyo kuwa kalena si aad wax badan uga barato, sidoo kalena dajiso yoolal si aad u hesho dhiiranaan gudeed iyo mid dibadeedba.

5: Naso, Seexo oo jimicsi samee: Hawl kasta oo aad qabato ka dib qaado waqti nashasho oo kugu filan si aad mar labaad u hesho firfircooni, seexo hurdo kugu filan oo aan ka badnayn 8 saacadood; saamalaylkana iska ilaali si jidhkaagu u helo nasasho iyo daganaan. Samee jimicsi si uu caafimaadkaagu kor ugu qaadmo una wanaagsanaado; tamar badana u hesho. 

6: Jadwal samayso: inaad samaysto jadwal nololeed aad ku qorto maalin walba hawshaad galayso waxay kuu saamaxaysaa inaad ahaato mid firfircoon, waxqabadna ku talaabsada. 

7: Aragti nololeed lahoow: Nolosha inaad ka lahaato aragti togan waxay kuu saamaysaa inay fikiro cusub kugu soo dhacaan, sidoo kalena maskaxdaadu u shaqayso si wanaagsan.

8: Iska ilaali wahsiga: wahsigu waa qayb ka mid ah caajiska waxaanu ka imaad dib u dhigashada hawl aad qaban karto isla waqtigaa aad joogto. 

9: Sawirasho: Inaad lahaato awood sawirasho oo aad ku hilaadin karto kuna suurayn karto yoolkaaga iyo halka aad rabto inaad gaadho, waxay kuu saamaysaa firfircooni maskaxeed taas oo keenaysa inaad ka hesho dhiirigalin horena u socoto. 

10: ka fikir faa'idada: Ka fikir faa'idada si aad u yarayso caajiskaaga, hawl kasta oo aad qabanaysana eeg faa'iidada kuugu jirta; tusaale ahaan 

(Haddii aad hurdada ku raagto barri waxa ku dhaafaya Imtixaan, haddii aad diirada saarto faa'iidada waxa hubaal ah inuu caajisku kaa duulayo oo aad kacayso).

11: La sheekayso naftaada oo dhiirigali: Inaad naftaada la hadasho oo aad ku tidhaahdo " waad qaban kartaa waxaas, guulbaad soo hoyn kartaa, waa inaad tartarnka gashaa, ha is dhigan ee soco, maaha waqtigii aad dib u dhac samayn lahayd.) iyo ereyo kale oo badan oo dhiirigalin ah waxay kuu saamaxaysaa inaad dhiiranaato dhulkana ka kacdo.

12: Iska ilaali Balwadaha xun: Balwaduhu waxay qofka dhaawacaan caafimaadkiisa jidheed iyo maskaxeedba, qofkana waxay ku furaan dhibaatooyin fikir oo dhanka nolosha ah. 

Sidoo kale Balwaduhu waxay qofka ka lumiyaan waqtiga, waxaanay gumeeyaan dadnimadiisa iyo damiirkiisa shaqsiyeed. 

Inaad ka xorowdo caajisku waxay kugu qaadanaysaa waqti, waa inaad u samirtaa oo aad joogtaysaa ficiladaad ku baabinayso kagana hortagayso. 

Waqti kasta oo aad hore u qaado talaabana waxaad dareemaysa culayskeeda iyo faa'iidadeeda ee waa inaad hore u socotaa oo aanad is dhiibin kana baxdaa xadka raaxada iyo is dhigashada.


Post a Comment

0 Comments