Haddii aad u malaynayso in aad miisaankaaga dhimi doonto, haddii aad joojiso qaadashada sonkorta, oo aad isticmaasho macmacaan aan sonkor lahayn, ama macmacaan macmal ah, waad khaldan tahay, ayay leedahay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO.
Muxuu yiri Ururka Caafimaadka Adduunka ?
WHO, oo ah hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhanka caafimaadka, ayaa ku talisay inaan la isticmaalin waxyaabaha aan macaanayn ee sonkorta oo kale ah ee (NSS) iyo hab-raaceeda cusub. NSS, ayaa waxay u taagan tahay wax macaan, laakiin aan sonkor lahayn.
WHO ayaa soo jeedisay taladan, iyada oo ku saleynaysa qaar kamid ah warbixinno gaar ah. Waxay ogaatay hey’addu in macmacaannada macmalka ah aysan ka caawinaynin dadka dhimista miisaanka, ama yaraynta khatarta cudurrada la xiriira sonkorta.
Intaa waxaa dheer, isticmaalka NSS halkii sonkorta kama dhinto miisaanka dadka waaweyn ama carruurta.
"Dadku waa inay raadsadaan macmacaannada dabiiciga ah, sida miraha, cabitaannada, iwm, si loo yareeyo isticmaalka sonkorta," ayuu yiri Francisco Branca, aggaasimaha nafaqada iyo sugnaanta helitaanka cuntada ee WHO.
Sida laga soo xigtay isaga, "NSS ma laha macno sii ridan oo nafaqada la xiriirta. Dadku waa inay diiradda saaraan yaraynta sonkorta ku jirta cuntadooda, sida ugu dhakhsaha badan, si loogga taxadaro daryeelka caafimaadka."
Waxtar ma leeyihiin macmacaanka macmalka ah?
Dr. Cabdulqaadir Xuseen Warsame, oo ka hawl gala xarunta Tawakal Medical Clinic ee magaalada Nairobi, oo BBC la hadlay ayaa sheegay in sonkorta macmalka ah ama macaanaysada sida ay Soomaalidu u taqaanno aanay kahor tagin cudurka macaanka, sida dad badan oo isticmaala ay aaminsan yihiin.
“Dhakhtarka oo carrabka ku dhuftay sonkorta macmalka ah, wuxuu ku tilmaamay in aanay ka hor tagin kororka miisaanka, ayna ka kooban tahay waxyaabo kala duwan oo khatar ku ah caafimaadka qofka,” ayuu yiri Dr Cabdulqaadir.
Isagoo hadalkiisa sii wata, ayuu dhakhtarku wuxuu ka digay isticmaalka sonkorta macmalka ah, maaddaama aanay dhaamin midda kale ee caadiga ah
“Waa wax lagu farxo digniinta ay soo saartay hey’adda caafimaadka adduunka ee WHO, innagu in badan ayaan ka digaynay isticmaalka sonkorta macmalka ah ama macaaneysada, iyadoo noqotey wax si khaldan ugu dhex baahay bulshada,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey dhakhtarka.
Waa maxay waxyaabaha uu ka kooban yahay macmacaanka macmalka ah?
NSS ayaa waxa loo isticmaalaa dawada cadayga, kiriimyada maqaarka iyo daawooyinka. Markaa ma u isticmaalnaa, si aan uga fogaanno sonkorta caadiga ah?
Sida laga soo xigtay WHO, taladani ma khusayso alaabta loo isticmaalo daryeelka shakhsi ahaaneed iyo nadaafadda.
Inta badan waxyaabaha sonkorta macmalka ah ee NSS-ta ee la isticmaalo waa sucralose, aspartame, neotame iyo stevia.
Surendra Kumar, oo ah madaxa waxyaabaha la xiriirta cuntada, qanjirada iyo hormonada ee isbitaalka Sir Gangaram ee dalka Hindiya, ayaa sheegay in kuwani ay dhamaantood yihiin macaano macmal ah. Haddii aad isticmaasho hal ama laba toddobaad way fiican tahay. Laakin isticmaalkooda joogtada ah waxay keeni kartaa saameyn xun.
Wuxuu tusaale ka bixiyay arrintan. Waxa uu yiri, "Haddii aad si toos ah u isticmaashid geedka stevia si aad u hesho macaan, way fiican tahay. Laakin isticmaalka kiniinada la warshadeeyay waxay waxyeelo u geysan karaan jirka."
Sax ma tahay in bukaanada qaba sonkorowga ay isticmaalaan macmacaan macmal ah halkii ay ka isticmaali lahaayeen sonkor?
Dr Surendra Kumar, ayaa sheegay in bukaanada qaba cudurka Macaanka aysan isticmaalin nooc kasta oo NSS ah. Haddii aad u qaadanayso dhadhan, waa in aad iska xakamayso isticmaalkiisa.
Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan
0 Comments